Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in mashruuca horumar kaga jawaabidda saamaynta qaxootiga uu door muhiima ka qaadanayo horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Xafiiska Beeraha oo ay wehelinayaan maamulka degmada Qabribayax ayaa kormeeray mashaariicaha laga fulinayo degmada, iyadoo laga faa’iidaysanayo mashruuca horumar kaga jawaabidda saamayta qaxootiga oo isugu jira ballaadhinta xarunta caafimaadka Hartasheekha, dhismo dugsi iyo 8km oo ah waddooyinka magaalada Hartasheekha oo hadda gabo’gabo maraya iyo sidoo kale xidhxidhka dhulka oo laga fulinayo tuulada Dhurwaale ee degmada Qabribayax.

Wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS C/qaadir Iimaan (PhD) ayaa sheegay in mashariicdan ay door muhiima ka qaadanayaan horumarinta adeegga aasaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Leave a comment

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: