hormarka xafiiska

Wasiirka Xafiiska Beeraha Deegaanka iyo qaar ka mid ah agaasinnada xafiiska ayaa soo kormeeray beeraha geedmidhoodka laga beero ee degmooyinka Gursum iyo Shabeelley.

Ujeeddada kormeerka oo daarnayd u kuurgalka xaaladda beeraleyda geedmidhoodka beera ee degmooyinka Gursum iyo Shabeelley ayaa waxay sidoo kale soo kormeereen xarunta barbaarinta dhirta ee Golo-xaajo degmada Gursum, xarunta oo lagu beeray laguna xannaaninayo geedmidhoodka liinmacaanta iyo maangada oo dhawaan loo qaybin doono degmooyinka Deegaanka.

Dhanka kale, kormeerkan ayaa waxaa barbar socday tababar loo fidinayo beeraleyda sidii ay u fahmi lahaayeen qaabka geedmidhoodka marka uu xanuunku dhaco loo daweeyo iyo isticmaalka daawooyinka.

Leave a comment

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: