Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa booqasho ku tagay dhul-beereedka qamadiga Awbarre & Tulli-guuleed ee gobolka Faafan.


Booqashadan oo madaxweyne-ku-xigeenka uu ku wehelinayay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayay ugu kuurgalayeen wax-soo-saarka beeraha banka gaar ahaan Tulli-guuleed & Awbarre, si looga natiijo keeno qorshaha Dalag iyo Daryeel oo qorshe ahaan loo qaatay in la beero dhul-beereed dhan 847 kun oo hiktar Deegaanka oo dhan.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku istaagayay beeraha islamarkaana sheegay in si fiican loo beeray dhul-beereedkii la diyaariyay degmooyinkan, wuxuuna shacabka ku boorriyay in aysan ka daalin tabcashada dhulkooda.

Dhul-beereedka qamadiga laga beeray ayaa noqonaya degmada Awbarre 42 kun oo hiktar, halka degmada Tulli-guuleed laga beeray qamadiga dhul dhan 62 kun oo hiktar sida uu sheegay DR. C/qaadir Iimaan, Wasiirka Xafiiska Beeraha DD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: