Xafiiska Beeraha Degmada Tulli-guuleed ee gobolka faafan.
Madaxa xafiiska beeraha degmada Tulli-guuleed Mudane Abdi yuusuf ayaa koormeero iyo indho indhayn ku soo maray beeraha wax soo saarka degmada tulli-guuleed.
Waxa muuqata oo la arkaa shaqooyinka iyo dadaalada uu wado xafiiska beeraha dagmada tulli-guuleed ee uu kaga midho dhalinayo qorshaha wax soo saarka dallaga beeraha ee ay xukuumada deegaanku sanadkan qorshe ahaan u qaadatay ee (dallag iyo daryeel) isagoo la kaashanaya bahwadaagtiisa.
Xafiiska beeraha Degmada Tulli-guuleed ee gobolka faafan ayaa wada dadaalo iyo shaqooyin iyo wacyigalino joogto ah oo ay bulshada beeralayada ah ee dagmada Tulli-guuleed wax soo saarkooda kor ugu sii qaadayaan, ka xafiis ahaana ay marwalba garab taagan yihiin.
Waxaana muuqata sida uu u garab taagan yahay xafiiska beeraha ee dagmada tulli-guuleed bulshada beeralayda ah ee degmada oo la arko runtii wax soo saarka muuqda ee soo jiitay bulshada deegaanka inteeda kale.
Si gaara ayaan ugu bogaadinaynaa Madaxa xafiiska beeraha dagmada tulli-guuleed Mudane Abdi yuusuf dadaalka iyo shaqooyinka adag ee uu wado isla markaana uu kor ugu qaadayo wax soo saarka dallaga beeraha ee degmada tulli-guuleed.
Sidoo kalena uu ugaga midho dhalinayo qorshaha wax soo saarka beeraha ee barnaamijka dallag iyo daryeel.
Mar labaad ayaan bogaadinaynaa xafiiska beeraha ee dagmada Tulli-guuleed daadaalada iyo shaqooyinka muuqda ee la arko ee uu wado sidii uu xafiiska u yimid isbadal baa ka muuqda.
