Tababarka Dirawalnimada Cagafta

Xafiiska Beeraha DDS ayaa tababar u qabtay xubno ka socda 15 degmo oo Deegaanka ah kuwaasi oo isugu jira dirawalo iyo makaanikyo cagafyada beeraha ah.

Tababarkan oo uusoo diyaariyey xafiiska beeraha waaxdiisa Fidinta Farsamooyika Casriga ah ayaa ka furmay kulliyadda tababarada xirfadaha kala duwan iyo farsamada ee Jigjiga Polly tichnic, tababarkani ayaana ah mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee dirawalada iyo makaanikyada cagafyada beeraha.

Tababarkan oo loo qabtay 60 xubnood oo ka kala socda 15 degmo ayaa waxaa furay
wasiir kuxigeenka Xafiiska Beeraha DDS Mudane. Axmed-nuur Maxamed, iyadoona ay qayb ka ahaayeen hawl-wadeenada xafiiska, waxaana bixinaya cashiradda tababarkan lagu qaadanayo khabiiro ku takhasusay cilmiga makaanikada iyo dirawalnimadda, waxaanay xubnahani qaadan ku qaadan doonaan cashiradda qaab theory iyo practical isugu jira.

Wasiir ku xigeenka xafiiska ayaana tababarqaatayaasha kula dardaarmay in ay si fiican u qaataan cashiradda illaaliyaanna wakhtiga uu socdo.

Leave a comment

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: