Xafiiska Beeraha DDS ayaa si rasmi ah u bilaabay diyaarinta bacriminta dabiiciga ah, oo ah xal waara oo laga sameeyo hadhaaga xoolaha, dalagyada qaar, iyo digada xoolaha. Tallaabadan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha deegaanka, iyadoo diiradda la saarayo sidii bulshada looga caawin lahaa inay helaan bacriminta tayada sare leh oo laga sameeyo gudaha, taas oo si weyn uga waxtar badan bacriminta dibadda laga keeno oo qaali ku ah dadweynaha.
✅ Maxaan Ka Faa’iideyn Doonnaa?
Mashruucan wuxuu diiradda saarayaa soo saarista in ka badan 3,000 kiintaal oo bacriminta dabiiciga ah, iyadoo laga fulinayo 8 degmo. Afar ka mid ah degmooyinkaas waa kuwa uu ka hawlgalo Mashruuca Horumarinta Jawaabta Saamaynta Qaxootiga (DRDIP). Ujeeddadu waa in si fudud beeralayda DDS u helaan nafaqada dhulka iyagoo ka faa’iideysanaya kheyraadka deegaanka, lana dhimayo ku-tiirsanaanta bacriminta dibadda.
✅ Farsamo Casri ah oo U Fudud Bulshada
Farsamada casriga ah ee soosaarida bacrimintan dabiiciga ah waxay bulshada u fududaynaysaa inay ka faa’iidaystaan kheyraadka dabiiciga ah sida hadhaaga xoolaha iyo dalagyada, iyadoo si cilmi ku saleysan loo farsameynayo. Tani waxay siinaysaa beeralayda DDS fursad weyn oo lagu horumariyo wax soo saarka dhulka iyagoo yareynaya kharashaadka.
✅ Bacriminta Dabiiciga Ah: Nafaqo Ka Badan Tan Dibadda
Bacriminta dabiiciga ah ayaa ka nafaqo badan tan dibadda laga keeno. Waxay leedahay faa’iidooyin waara, waxaana qorshuhu yahay in bulshada loo baro si dhib yar habka samaynteeda. Tani waxay si gaar ah u anfici doontaa beeralayda deegaanka, iyagoo heli doona xal sahlan oo waxtar leh oo kor u qaadaya wax soo saarkooda.
Hadalkii Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS
“Guushan waxay calaamad u tahay horumarka aan ka gaarnay samaynta nidaamyo casri ah oo bulshada si toos ah uga faa’iideysta, taasoo dhaxalkeedu noqon doono horumar waara oo beeraha iyo dhaqaalaha DDS ka dhex muuqda mustaqbalka fog.’’
— C/qaadir Iimaan (Ph.D), Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS
DDS mar walba waa hormuudka horumarinta beeraha iyo kobcinta bulshada!





