Barnaamij isugu jira dhirbeeris iyo dhiigshubis oo lagaga qaybqaadanayo sanadguuradii 5aad ee kasoo wareegtay aasaaska Xisbiga Barwaaqo ayaa ka qabsoomay xarunta caafimaadka Qoordheere oo ku taalla xaafadda 17aad ee magaalada Jigjiga.
Barnaamijkani oo ay si wadajir ah usoo diyaariyeen Liigaga Dhalinyarada iyo Haweenka Xisbiga Barwaaqo ayay ka qaybqaateen xubnaha liigaga iyo bulshada ku dhaqan xaafadda 17aad ee magaaladda Jigjiga, iyadoo halkaasi lagu beeray 100 geed.
Marwo Samiira Khadar, Madaxa Liiga Haweenka Xisbiga Barwaaqo iyo Riyaad Mahdi Madaxa Liiga dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo warbaahinta halkaasi kula hadlay ayaa tilmaamay in 5-ta sano ee kasoo wareegtay aasaaska xisbiga waxqabad muuqda oo la taaban karo la hirgaliyay, ficilna loo badalay balanqaadyadii xiligii doorashada la galay.
SRTV Somali
You need to add a widget, row, or prebuilt layout before you’ll see anything here. 🙂




