Waxaa Xusid mudan in Xafiiska Beeraha DDS uu ku hawlanyahay sidii kor loogu qaadilahaa Waxsoosaarka Dallaga Beeraha Tiro ahaan iyo tayo ahaanba. Iyadoo la isticmaalayo hababka guddbinta farsamooyinka Casriga ah ee beershada Dallagyada kala duwan
Haddaba, Waxaa meel fiican maraya Faltusmeedyadii laga fuliyay Degmooyinka Gobalka Shabeele( Cadaadlay, Godey, Qalafo iyo Beercano) iyadoo lagu beeray Dallagyada Firilayda. Khudaarta iyo Geed midhoodka. Qaabkan casriga ah ee beershada ayaa waxa uu wax wayn kabadalayaa qaabkii hore ee Dhaqmiga ahaa ee beeralaydu wax u beertaan. Iyadoo labadan qaab ee wax beerasho ay u dhaxeeyaan farqi wayn oo dhanka Maxsuulka. Maaraynta beerta. Wakhtiga iyo Xooga la isticmaalayaba.




