Wasiirka Xafiiska Beeraha ayaa sheegay in mashruuca ka bixida ku tiirsanaanta uu meel fiican marayo.
Wasiirka oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah hawlwadeenada mashruucani ayaa kormeer ku sameeyay goobaha mashruucani laga fulinayay oo ay ka mid yihiin tuulooyinka Tuurwacad, Kariindhalay iyo Qorotalay ee degmada Haroorays, kuwaasi oo laga diyaariyay dhul dhan 750 hiktar oo looga faa’iidaysanayo barnaamijka ku tiirsananaanta.
Sidoo kale, mashruucan ayaa degmada Tuli ka fulinaya 250 hiktar taasi oo tirada guud ka dhigaysa kun hiktar, fulinta barmaajikan ayaa waxaa ka qaybqaadanaya degmooyinka, maalgashadaasha iyo iskaashatooyinka beeraha.
Raashinka ka soo go’a dhulka ayaa ah mid kayd ah oo lagaga maarmayo ku tiirsanaanta.





