Guulaha Siyaasadeed ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida: 1993 ilaa 2025
Dhismaha Dawlad-Deegaanka Soomaalidu wuxuu astaan u yahay midnimo, horumar, iyo isbeddel taariikhi ah oo taabanaya nolosha dadkeenna dhinac walba. Wax badan oo mudan in la xuso ayaa laga faa’iiday dhanka siyaasadda:
Midnimo Qowmiyadeed iyo Maamul Hoosaad Mideysan:
Markii hore Soomaalidu waxay ku kala maqnaayeen lix maamul-gobol (Baalli, Sidaama, Barriga Harar, Galbeedka Harar, iyo kuwa kale). Balse dhismaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida ayaa suurageliyay in dadkeena iyo dhulkeena hal maamul oo mideysan la hoos keeno – waana mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee taariikhda cusub!
Ka-Qaybgal Taariikhi ah ee Dejinta Dastuurka:
Soomaalida markii ugu horreysay waxay fursad u heleen inay door muuqda ku yeeshaan dejinta dastuurka Federaaliga ah ee Itoobiya. Qaybteena muuqata ee dastuurka waxay ku suntan tahay faragelintii waxtarka lahayd ee wakiiladeenna.
Yagleelidda Dawlad Soomaaliyeed oo Shacabku Leeyihiin:
Dhismaha DDS wuxuu u noqday Soomaalida dawlad iyaga u gaar ah oo maamulkeeda heerar kala duwan loo habeeyay. Inkasta oo safar dheer iyo marxalado adag la soo maray, maanta DDS waa sharaf u taagan Soomaalida.
Afka Soomaaliga oo Rasmiyan Loogu Horumariyay Shaqo iyo Waxbarasho:
Afkeena Soomaaliga ayaa markii ugu horreysay laga dhigay afka rasmiga ah ee lagu shaqeeyo, waxna lagu barto. Tani waxay taariikh cusub u furaysaa luuqadeenna, dhaqankeena, iyo jiilka mustaqbalka.
Xorriyadda Diinta iyo Dhaqanka:
Soomaalidu waxay heleen xorriyad buuxda oo ay ku horumariyaan diintooda Islaamka iyo dhaqankooda suuban, gaar ahaan mudaddii 6 da sano ee ugu danbaysay. Waa guul sharaf leh oo taageeraysa halgankii dadkeennu u soo maray madax-bannaanida diimeed iyo dhaqan.
Degenaansho Siyaasadeed iyo Xorriyad:
Xaaladda siyaasadeed ee maanta ka jirta deegaanka waa mid ku dhisan deganaansho iyo xorriyad siyaasadeed, gaar haan muddadii 6 da sano ee ugu danbaysay, taasoo rajo weyn siinaysa himilooyinka jiilasha cusub.
7 Ka muuqashada miiska go’aanada siyaasadeed ee heer qaran:
Mudadaii 6 sano ee ugu danbaysay , saamaynta Soomalida ee ka qaybgalka jaangoynta siyaasadaha dalka ayaa aad u kobocday, taas oo ay sabab u tahay in Soomalidu hadda ka mid tahay mulkiilayaasha siyasadeed ee dalka halkay horay uga ahaayeen daawadayaal. waxaa arintan markhaati u ah heerarka kala duwan ee siyaasiyiinta Deegaanka ka soo jeeda dalka ka hayaan.
Guulaha aan gaadhay waxa mahadeeda leh Ilaahay iyo cid kasta oo door ku lahayd guulahaas ha noqdaan kuwii tagay iyo kuwa joogaba eh.
Hal ku-dheg: Midnimo, horumar, iyo sharaf bulsheed!
#DDSGuulaha#Midnimo#HorumarkaSoomalida#TaariikhWaxaaLehDadka



See insights
Boost a post
All reactions:
10You and 9 others