Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey oo la booqday si loo dhiirrigeliyo wax-soo-saarka beeraha.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Wasaaradda Beeraha JDFI, Mudane Addisu Arega, xubno ka tirsan beeralayda, iyo wakiillo ka socda 32 degmo oo deegaanka ah ayaa maanta booqasho ku tagay Mashruuca Wax-soo-saarka Beeraha ee Galbeedka Godey.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd dhiirrigelinta wax-soo-saarka beeraha, iyo taakulaynta beeralayda, iyo waliba in degmooyinka kale ay ka qaataan khibradda wax-soo-saarka casriga ah, si loo gaadho isku-filnaansho dhanka cunntada ah
Mashruuca Galbeedka Godey ayaa haatan laga beerayaa in ka badan 7,000 oo hektar, waxaana la qorsheeyey in lagaadh-siiyo in ka badan 27,000 oo hektar mustaqbalka dhow.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa intii ay booqashadu socotay kula dardaarmay xubnaha beeralayda in ay tusaale wanaagsan ka qaataan wax-soo-saarka beeraha, si loo gaadho isku-filnaansho.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Beeraha JDFI, Mudane Addisu Arega, ayaa sheegay in DDS maanta yahay tusaale wanaagsan oo dhanka wax-soo-saarka beeraha ah, isla markaana uu hodan ku yahay dhul ku habboon beerashada iyo horumarinta wax-soo-saarka casriga ah












