Qalaafe :Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse, oo ay wehelinayeen wafti ka socday Madaxtooyada, Maareeye Ku-xigeenka SIIDH Enterprise Marwo Kowsar, iyo mas’uuliyiin heer gobol, ayaa kormeer shaqo ku tagay Qalaafe, gaar ahaan qabalaha Muuqdheere.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirku waxa uu la kulmay beeraleyda deegaanka, isagoo dhegeystay baahiyahooda iyo talooyinkooda la xiriira horumarinta wax-soo-saarka.











Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday xarunta diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka (National ID) ee Qalaafe, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay masuuliyiinta xarunta, wuxuuna bogaadiyey dadaalka lagu bixiyay hawsha diiwaangelinta muwaadiniinta.
