Xafiiska Beeraha ee Deegaanka ayaa hirgaliyay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo kobcinta nidaamyada waraabka yaryar si loo xoojiyo wax-soo-saarka beeraha.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo beeraleyda, loona fududeynayo helitaanka biyo waraab oo joogto ah, taas oo si toos ah u kordhin doonta wax-soo-saarka dalagyada waraabka ku baxa.
Sidaas darteed, Xafiiska Beeraha ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc waraab oo laga hirgelinayo Degmada Dolo-bay, gaar ahaan Qabalaha Xiintoy.
Mashruucan ayaa awood u leh inuu waraabiyo dhul baaxaddiisu dhan tahay 130 hektar, waxaana ka faa’iideysan doona 520 qoys.
Mashruuca waxaa ku baxaya miisaaniyad hor udhafaysa 70 milyan Birr, taas oo laga helay Mashruuca Horumarinta Silsiladda Wax-soo-saarka qamadiga (CREW) PROJECT Waxaa la qorsheeyey in mashruuca lagu soo gabagabeeyo muddo 16 bilood ah.
Hirgelinta mashruucan waxaa fulinaysa Shirkadda Dhismaha Guud ee KAA (KAA General Constructions Company), taas oo la filayo inay si hufan u dhamaystirto hawsha.
Waxaa mashruucan Dhegax dhigay masuuliyiin isugu jira mamulka Gobalka afdheer iyo Degmada Dolo-bay












