Waxaa si habsami leh uga socda diyaar garowga Ka faa’iidaysiga Xilli Roobaadka Guga ee dhamaan deegaanka iyadoo sanadkan Caqabadaha dhanka shidaalku uu jiro. Haddana bulshadeena beeralayda iyo Xoolo- dhaqato beeralaydu. Waxay wax ku qoddonayaan qofwalba wixii uu Awoodo. Iyadoo Arrintaasna aanay ka hor joogsan inay wax beertaan.
Haddaba Xafiiska Beeraha DDS oo si guud wacyi galinta iyo Abaabulka Beeralayda ku hawlan ayaa waxa uu dhiri galinayaa in laga faa’iidaysto Xilli roobaadkan guga oo sanadka Saadashu sheegayso in roobab wanaagsan ay ka da’ayaan dhamaan deegaanka






