Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay sektarka Beeraha DDS
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay masuuliyiinta sektarka beeraha ka dhegaysteen warbixinta ku saabsan waxqabadkii 9-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo si faahfaahsan uga hadlaysay geeddi-socodka shaqo iyo hawlaha ay sektarku qabtay muddadaas.
Warbixinta waxaa soo jeediyay masuuliyiinta sektarka beeraha oo u ugu horeeyo Madaxa Xafiiska beeraha mudane Cabdillahi Maxamed Muuse oo si qoto dheer u sharaxay dadaallada lagu horumarinayo waxsoosaarka beeraha, xoojinta sugnaanta cuntada
Kadib soo jeedinta warbixinta, guddigu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo talooyin la xidhiidha habsami u socodka shaqada iyo xoojinta waxqabadka sectorka beeraha Ugu dambayn, waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada sectorka beeraha iyo dardargeliyo hawlaha shaqo ee socda.








