Dhirri galinta, Bogaadinta, beeralayda iyo Xoolo- dhaqato beeralaydu Waa Ahmiyada uu u Aas- aasanyahay Xafiiska Beeraha DDS.
Waxaa Xusid Mudan in Macalin Ahmed Xaashi Ibrahim oo kamid ah beeralayda Qabalaha Garbiile ee Degmada Qabribayax oo ku dhiiraday inuu beerto beertiisa Xilli Roobaadka Gu’ga isagoo wajahaya duruufo adag oo ay kamidtahay Dibi la,aan iyo Cagaf la,aan ayaa waxa uu ku dhiiraday inuu beertiisa Qoto oo aanu dhaafin Xilli roobaaku isaga oo isticmaalaya garbihiisa.
Haddaba Xafiiska Beeraha DDS oo aad u bogaadinaya dadaalka iyo ka go’naanta uu muujiyay oo runtii ku dayasho mudan ayaa waxa saaka Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Cabdillahi Maxamed Muuse oo ay waheliyaan Masuuliyiin Heer deegaan, heer Gobal iyo Heer Degmo lagu wareejiyay Cagafta Qoddaalka beeraha Macalin Axmed Xaashi Ibraahin. Oo runtii hawl ku daysho mudan sameeyay.







