Xafiiska Beeraha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa 110 mooto ku wareejiyay 46 degmo oo ka mid ah deegaannada uu ka hawlgalo mashruuca badbaadada waxsoosaarka ee PSNP-5, si loo dardargeliyo adeegga bulshada loona fududeeyo fulinta mashaariicda xoogga dadweynaha. Munaasabadda wareejinta oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Muuse, ayaa lagu adkeeyay in gaadiidkani uu qayb ka yahay dadaallada xafiiska ee lagu xoojinayo hufnaanta shaqada, iyadoo horayna degmooyin kale loo gaarsiiyay agabkan oo kale si loo xaqiijiyo gaaritaanka yoolasha horumarineed ee mashruuca.









