Wasiirka xafiiska beeraha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u dhegeysatay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ay soo gudbiyeen guddi isku-dhaf ah oo ka kooban khubaro ka tirsan wasaaradda beeraha ee federalka iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwaas oo kormeer indho-indheyn ah ku tegay degmooyinka Ayshaca iyo Shiniile ee gobolka Siti. Kulankan ay majaraha u hayeen Wasiirka Beeraha Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse iyo Wasiir ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Nuur, ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta guulaha laga gaadhay wejiga 5-aad ee barnaamijka badbaadada bulshada ee (PSNP 5) iyo u diyaar-garowga bulshada ee wejiga 6-aad, iyadoo xubnaha guddigu ay bogaadiyeen waxqabadka baaxadda leh iyo mashaariicda horumarineed ee ay soo arkeen kuwaas oo markhaati u ah isbeddelka dhabta ah ee ka dhashay hirgelinta barnaamijyadaas, Ugu dambeyn waxaa la isla qaatey qorshaha dardargalinta u diyaargarowga barnamijka wajigisa lixaad (PSNP 6)
- Home
- 2026
- February
- 22
- BoA
- BoA r
- Our News
- Wasiirka xafiiska beeraha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u dhegeysatay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ay soo gudbiyeen guddi isku-dhaf ah oo ka kooban khubaro ka tirsan wasaaradda beeraha ee federalka iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwaas oo kormeer indho-indheyn ah ku tegay degmooyinka Ayshaca iyo Shiniile ee gobolka Siti.









