Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Beeraha ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Axmednuur abdi Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay tababar Aad umuhiim ah oo lagu dejinayay qorshe-hawleed midaysan oo lagu horumarinayo nidaamka abuurka, iyadoo lala kaashanayo hay’adda Mercy Corps iyo bahwadaagta kale. Tababarkan ayaa lagu soo bandhigay natiijada daraasadda Dammaanadda Abuurka (Seed Security Assessment), iyadoo Wasiirku hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in taageerada bini’aadanimo la gaadhsiiyo beeralayda ay noqoto mid si dhab ah uga jawaabaysa baahida jirta (Fit for Purpose). Ugu danbeyn, waxaa la isku raacay in loo guuro nidaamka taageerada abuurka ee ku salaysan xoojinta suuqyada (Market-Based Seed Response), si loo hubiyo in beerelaydu helaan abuur tayo leh oo kor uqadaya wax-soosaarka dalka
