Diyaar garowgii wajiga hore ee mashruuca bariiska Gabbi ayaa si rasmi ah uga bilaabmay goobta dhul-beeredka
Xafiiska beerha deeganka somalidu ayaa wakhti xaadirkan xoog ugu hawlan dardargalinta waxsoo saarka dalaga beeraha noocyadiisa Kala duwan. Dadaalada xafiisku waddo waxaa kamid ah mashruuca waxsoosarka bariiska ee Gabbi. Ujeedada madhruuca ayaa ah in sare loo qaado waxsoo saarka bariiska si looga baxo ku tiirsanaanta dalaga bariiska ee laga soo dhoofiyo dalka dibadiisa. Sidoo kale, ujeedoyinka mashruuca waxaa kamid ah in beeralayda iyo maal gashadayasha ( Investors) lagu dhiiri galiyo inay qayb ka noqdaan dadaalada sare loogu qaadayo waxsoo saarka dalaga bariiska. Hadaba, mashruuca Gabbi ee bariiska ayaa galay wajigisii kobaad ee diyaargarawga, waxaana lagu gudda jiraa diyaarinta dhul beered baaxadiisu tahay 100 hectare.
Hawlaha shaqo ee diyaarinta dhulka ayaa isugu jira geed jaris (land clearing), iyo land leveling ( dhul simid). Ilaa hadda waxaa lagu guulaystay in geed-jaris iyo dhul simid lagu sameeyo dhul masaafadiisu dhantahay 35 hectares.
Waxaa sidoo kale daraasaad dhamaystiran lagu sameeyay ceelesha iyo biyo mareenada laga waraabin doono beerta si loo xaqiijiyo jiritaanka biyo ku filan waxsoosarka dalaga bariiska.
Ilaa hada geedi socodka hawlaha shaqo ee wajiga hore ee shul diyaarintu waxuu u socdaa si habsami leh, waxaana dhawaan loo gudbi doonaa wajiga labaad ee qodaalka beerta.









