Kulan lagu soo bandhigayay Siyaasadda Cusub ee Horumarinta Beeraha iyo Reer Guuraaga oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Beeraha JDFI iyo Mac’hadka ATI ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo madashan furay, ayaa sheegay in isbaddelkii kahor heerka qodaalka waxsoosaarku ahaa 389 kun oo hektar, Balse hadda lagu guuleystay in la beero in ka badan 1 milyan oo hektar. sidoo kalena Deegaanka Soomaalidu leeyahay dhul ku habboon waxsoosaar ka oo ka badan 10 milyan oo hektar.
Dhankeeda, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha ee JDFI, Dr. Sofia Kassa, ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha jira ee dhinaca beeraha, iyadoo la adeegsanayo hannaan casri ah oo ku habboon waxsoosaarka.





