Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay tuulada Gabi ee degmada Hadhagaale ee gobolka Siti.
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Cabdilaahi Maxamed Muuse ayaa kormeer shaqo ku tagay tuulada Gabi ee degmada Hadhagaale, halkaas oo laga diyaariyay dhul beereed gaadhaya 100 hiktar oo Xafiiska Beeraha heer Deegaan ugu talogalay in si rasmi ah looga beero dalaga bariiska.
Kormeerkan waxaa Wasiirka ku wehelinayay Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Siti, Mudane Yaasiin Maxamed, Guddoomiye kuxigeenka degmada Hadhagaale Mudane Aadan Yoonis iyo Maareeyaha Mashruuca waraabka Kulan iyo Harawa ee Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane Cabdilaahi Xasan.
Ujeedada safarka ayaa ahaa kormeer iyo indho indhayn ku saabsan heerka diyaar garow ee dhulka loo diyaariyay in laga hirgaliyo mashruuca beerista bariiska oo ah mid istiraatiiji ah, looguna talogalay in uu qayb lixaad leh ka qaato sugnaanta cuntada iyo kobcinta dhaqaalaha Deegaanka.