Shirkii laba geesoodka ahaa Xafiiska Beeraha DDS & Xafiiska Kifiya Micro-finance & Technology
Maanta oo ah 22 April 2026, Magaalada Addis-Ababa shir ka dhacay oo dhex maray maamulka xafiiska Kifiya micro-finance and Technology, waxaa la isla gartay inay haayada noo ka shaqaysa gobolada kale islamarkaana ka caawisa daynta abuurka, bacrinta iyo dawooyinka cayayaanka inay gobolka timaada oo shaqada ka bilowdo iyada oo sahlaysa in gashiyada mihiimka ah beeralayda yaryar dayn lagu siiyo islamar ahaantaana suuqa helitaanka gashiyada sida abuurka, bacrinta iyo sunta si ay deegaanka guud ahaan ugu baahiso.
Waxaa xusid mudan, in xafiiska beeruha DDS istraatijiyad u qaatay in beeralayda ka helaan suuqyada gaarka loo leeyahay gashiyo(sunta, bacrinta & abuurka) ku filan oo qaabka dayn ah lagu siinayo, iyada oo damaanad wayn looga baahnayn laakiin looga baahan yahay kaliya inuu leeyahay aqoonsiga qaranka(NID) kaliya . Talaabadan oo waxbadan ka tari doonta balaadhinta suuqyada helida gashiyada asaasiga islamar ahaantaana buuxin doonta baahida beeralayda ee dhanka gashiyada. Wuxuu xafiiska beeraha DDS dadaal dheer ugu jira sidii uu kor ugu qaadi lahaa xadiga iyo tayada waxsoosaarka beeraha deegaanka.

