wasaarada beeraha dalka iyo xafiiska beeraha DDS ayaa maanta daah furay 3 istratijiyadood oo laxidhiidha cuntada iyo nafaqafa, sida istraatijiyada nidaanka cuntada iyo nafaqada (Nutrition Sensitive agri-food system), istiratijiyada fayadhawrka badqabka iyo tayada cuntada ( Food safety and quality strategy) iyo istiraatijiyada maaraynta lunka wax soosaarka goosashada kadib ( post- harvest management strategy).
Madashan oo ay kasoo qayb galeen bahwadaagta xafiiska beeraha oo isugujira masuliyiin heer Dal, heer deegan, fookalada beeraha 11 ka gobol iyo madax xafiiseedyada beeraha 95 ta degmo, xafiisyada bahwadaagta ah iyo haayadaha aan dawliga ahayn ee kashaqeeya arimaha nafaqada ayaa waxaa siwada jira ufuray wasiirka xafiiska beeraha Abdulahi mohamed Muse iyo ku xigeenka wasaarada beeraha.
Furitaan kabacdi waxa halkaasi lagu soojeediyay istaratijiyadahan iyado fahan buuxa laga siiyay xubnaha kasoqayb galay waxaana la Isla qaatay in istaratijiyadahan hoos loodhaadhiciyo si loodhimo nafaqa darada iyo saamaynta ay leedahay.






