“Bahda beeraha oo iskaashanaysa waxaa ka go’an xaqiijinta damaanada cuntada Deegaanka” Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS C/laahi Maxamed Muuse.
Shirweynaha qiimaynta warbixinta waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay ee bahda beeraha DDS ayaa ka bilawday magaalada Jigjiga. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta xafiiska beeraha, kuwa xafiisyada cilmi-baadhista, iskaashatooyinka iyo abuurka xulka beeraha. Waxaana inta uu socdo lagu qiimaynayaa shaqooyinka bahda beeraha ee 6dii bilood ee u dambaysay ee dhinacyada waxsoosaarka, gudbinta farsamooyinka casriga ah, ilaalinta badqabka dhulka iyo horumarinta waraabka yaryar.

Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS mudane C/laahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in bahda beeraha oo iskaashanaya ay wadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo isku filaanshaha damaanada cuntada. Shirkan ayaa inta uu socdo lagu dhagaysan doonaa warbixinta xafiiska beeraha iyo kuwa gobolada iyo sidoo kale u diyaar garawga xilli roobaadka.


