Waxaa Maanta Laga Daah Furay Qabaleeyada Harre, Lafta-gal
oolka Iyo Maraagaajo Ee Degmoyinka Shabeelay, Qabribayax Iyo Harooray Clusterka Waxsoo saarka Galayda ee Gobolka Faafan, dhulka laga beeray cluster kan ayaa kufadhiya dhul kabadan 10,500 Kun oo hiktar.
Daahfurka barmaamijkan waxaa hogaaminayay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa DDS Mudane Eng Maxamed Shaalle Isaaq waxaana Ka soo Qaybgalay wasiirka xafiiska beeraha DDS Mudane Cabdulaahi Muuse Mamulka Gobolka Faafan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mudane khadar axmednuur iyo maamulada 3da degmo ee shabeelay, Qabribayax iyo Haroorays.
Hogaaminta Ayaa Sheegay U Jeedka Laga leeyahay Abaabulka Waxsoo saarka ee bulshada inay tahay sidii looga maarmi lahaa gacan hoorsiga shissheeya dadkeenu na iskufilaansho u gaadhi lahaa, waxaa xusid mudan in uu xisbiga barwaaqo qorshe u qaatay waxsoo saarka dhulkeena iyadoo xooga la saarayo barmaamijka dalag iyo daryeel kaas oo bulshada lagu jihaynayo waxsoo saarka dhulkeena.
