Qaybta 1: Macluumaadka Xafiiska/Hay’ada Fulinta Magaca Xafiiska Mashruuca Hindisay: Xafiiska Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga Sekterka u hoostago: Beeraha Magaca Mashruuca: Soo iibinta Carro bacrimiyaha iyo kor u qaadida nafaqada carada Qeexida Nooca Mashruuca: Urea, NPS, Gypsum, Sameynta farsamada bacrimiyaha dabiiciga ah Goobta: Degmooyinka: 75 degmo oo xoolo-dhaqato beeraley ah
Qiyaasta kharashka mashruuca (Wadarta): 30,575,250 Baahida Miisaaniyada: 240,000 etb 15,000,000 Qaybta kharashka mashruuca ee lacagta dalka 30,575,250 Ilaha kharashka: khasnada dawladda
Qaybta kharashka mashruuca ee lacagta qalaad ETB Ilaha kharashka: Qiyaasta kharashka hawl-fulinta & dayactirka (kharashka guud ee hawl-fulinta sanadka): Qiyaasta wakhtiga mashruuca labilaabayo (Bisha /sanadka)
:
Mask/2015 Qiyaasta wakhtiga hawlgalinta ee mashruuca dhamaday (Bisha /sanadka)
:
Sane/2015 Qaybta 2: Ujeedada & Ahmiyada Mashruuca HEERKA TAYADA TALABIXINTA QIIMAYNTA Dhibcaha 2.1. Maxaa loogu baahday hirgalinta mashruucan? (marka laga eego dhibaatada u xalinayo ama fursadaha ka dhalan kara). soo raaci macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan xadiga dhibaatada ama fursadaha ka dhalanaya.
Waxaa mashruucan loogu baahdey baahida loo qabo bacrimiyaha kor u qaadaya nafaqada iyo hoos u dhigida milixowda/cusbada si kor loogu qaado waxsoosaarka guud iyo midka gaar ahaaneedba/hiktarkiiba ee dalagyada kala duwan
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Hindisaha mashruucu wuxuu ku guuldaraystay sharaxaada dhibaatada ama fursada ama dhibaatada/fursadu way qeexan yihiin balse laguma qanci karo.
Hufnaan la’aan (Macadda)=
Macluumaadka tiro ahaaneed ee daliisha u ah baaxada dhibaatada ama fursadaha jira mahufna.
Gudbay =
waxaa si dhamaystiran loo qeexay dhibaatada & sababaha keenay ama fursadaha jira oo si waafi ah loo soo dhigay taasoo ku lamaan daliisha maangalka ah ee baaxada dhibaatada ama fursadaha mashruuca laga helayo.
TALABIXIN 2.2 Mashruucan mayahay mid ay fulin karaan shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn? Haddii jawaabtu tahay maya fadlan sababta sharaxaad ka bixi. Ma fulin karaan shirkadaha gaarka ahi. sababta oo ah waa mid u baahan aqoon-xirfadeed oo ku aadan tayeynta iyo qiimeynta bacrimiyaasha taas oo wasaarada beeraha ee dalku ay kasoo dajiso dibada isla markaana ay dawladu kabitaan ku sameyso, sidoo kale wa mid u baahan xirfad iyo aqoon dheeri ah taas oo ay qabanayaa qaybaha iibka iyo xirfadlayaal ku xeel-dheer ee sectarka beeraha.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
su’aasha lagama jawaabin
Macadda =
Ma cadda in mashruucan fulintiisu ku haboon tahay dawlada ama shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn midnaba.
Gudbay
=
Waxaa si cad loo soo dhigay haboonaanta in hindisaha mashruucan ay fuliso dawladu ama shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn.
TALABIXIN 2.3 Maxaa ka dhalan kara hirgalin la’aanta mashruucan? Haddii aan la hirgalin mashruucan waxaa ka dhalan kara in nafaqada caradu hoos u dhacdo isla markaana ay sababto in waxsoosaarku guud iyo midka gaar ahaaneedba hoos u dhacaan taas oo keeneysa cunto yaraan.
Natiijada qiimaynta tayada
Dhicisoobay
= cawaaqibka ka dhalan kara hirgalin la’aanta mashruucan ma qeexna, ama saamayn badan malaha.
Macadda =
cawaaqibka ka dhalan kara waa la sheegay balse macadda.
Gudbay =
Cawaaqibka iyo saamaynta mashruuca intuba si cad oo waafi ah ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.4 Dalka ma ka jirta khibrad/tusaale loo soo qaadan karo mashruuc lamid ah mashruucan? (fadlan kaga jawaab
Haa
ama
Maya.
haddii jawaabtu tahay haa fadlan raaci khibrada laga dhaxlay. Haddii jawaabtu tahay maya sharaxaad ka bixi talaabooyinka dheeriga ah ee lagaga hortagi kkaro khataraha jira)
Haa wey jiraan, waxaana tusaale u ah: in degmooyinka Awbare iyo Jigjigada Waqooyi (Haroreys) gashiyada tayeysnaa ee la siiyey sanadkii 2012 – 2014 T.I ay kasoo hooyeen guulo waxku ool ah oo ay u horeeyso booqashadii raysal-wasaaraha dalka Dr. Abiy Axmed Cali iyo booqashasho beereedyo ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Wasaarada Beeraha Dalka Mudane: Cumer Xuseen iyo Madaxweynaha Deegaanka Oromiya Mudane: Shemalis Abdisa, sidoo kale madax kale oo heer qaran ah kuwaas oo bogaadiyey waxsoosaarka kala duwan ee uu deegaanka soomaalidu ku talaabsadey iyadoo la adeegsanayo bacrimiyaha kala duwan. Sidoo kale degmooyinka Dolo-ado iyo Qalafo oo ka faa’iideystey kajawaabidii saameyntii Ayaxa Lama-dagaanka oo bacrimiyaha Urea iyo NPS la gaadhsiiyey degmooyinka oo saameynta weyn uu ku yeeshey ayaxu si nafaqada carada kor loogu qaado isla markaana waxsoosaarku u kordho.
Natiijada qiimaynta
tayada
Guuldaraystay=
Dalka wax khibrad ah kama jirto, ama lama qeexin talaabooyinka ka hortaga khatarta. Ama dalka khibrada la mid ah mashruucan way ka jirta balse waxaa dhacday natiijada oo liidata iyo jirid la’aanta talaabada ku haboon ee ka hortaga khatarta mashruucan.
Macadda=
Talaabooyinka kahortaga khatarta laguma soo darin ama ma sharaxna
.
Gudbay =
inkasto wax khibrada ah aysan ka jirin dalka balse waxaa si cad loo sharaxay talaabooyinka kahortaga khataraha ka dhalan kara mashruucan.
AMA
Dalka waxaa ka jirta khibrad iyo natiijo wacan oo laga helay mashruucan.
TALABIXIN 2.5 Ujeedooyinka mashruuca maxay yihiin? 1)
In bacrimiyaha la gaadhsiiyo xoolo-dhaqato beeraleyda DDS,
2)
In waxsoosaarka guud iyo midka gaar-ahaaneed (hitarkiiba kor loo qaado ee Xoolo-dhaqato beeraleyda si loo xaqiijiyo damaanada cuntada ee heer qoys.
3)
In la dhiirigaliyo xoolo-dhaqato beeraleyda iyadoo shaqo abuur ay ka helayaan dadka xoogsatada ah ee xoolo-dhaqato beeraleyda ah
4)
In waxsoosaarka kor loo qaado tiro iyo tayo ahaanba.
Natiijada qiimaynta tayada
Dhicisoobay =
Ujeeddoyinka mashruucu ma qeexna.
Macadda =
Ujeedooyinku way qeexan yihiin balse habraaca mawaafaqsana.
Gudbay =
Ujeedooyinka si waafi ah ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.6 Maxay yihiin hawlaha, waxsoosaarka iyo natiijada mashruucan? Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
mid ka mid ah hawlaha , waxsoosaarka ama natiijada mashruucu ma qeexna.
Macadda =
hawlaha , waxsoosaarka iyo natiijada mashruucu way dhigan yihiin balse lama xidhiidhsana sharaxaada mashruuca.
Gudbay =
hawlaha , waxsoosaarka iyo natiijada mashruuca si cad ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN Hawlaha: 1) Iibka bacrimiyaha (Urea – 5,174 kintaal iyo NPS – 2,588 kintaal) 2) Iibka gympsum ama nuurada – 150 kintaal 3) Sameynta bacrimaha dabiiciga – 45 xabo
Wax soo saarka (Maxsuulka)
Waxsoosaarku wuxuu kor u kacayaa 8% marka loo eego sanadkii hore oo uu waxsoosaarku ahaa 480,000 ha
Natiijada Waxaa kor u kacaya nafaqada carada iyo kabida carooyinka leh milixowga/cusbada taas oo keeneysa in waxsoosaarku kor u kaco. iyadoo xoolo-dhaqato beeraleyda degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka loo qoondeeyey mashruucani ee ku beerta xareeda iyo waraabka ay ka faa’iideysan doonaan
6000
qoys.
2.7 Maxay yihiin faa’iidooyinka laga helayo mashruuca, haddii si haboon loo hirgaliyo? Natiijada qiimaynta tayad
a
Guuldaraystay=
waxaa lagu guuldaraystay sharaxaada faa’iidooyinka mashruuca.
Macadda =
Faa’iidada mashruuca si cad looma soo dhigin.
Gudbay =
Faa’iidooyinka mashruuca si cad ayaa loo sharaxay.
TALABIXIN Faa’iidooyinka: 1) Wuxuu kor u qaadayaa nafaqada carada 2) Wuxuu kabis u sameynayaa carooyinka leh milixowga ama caro-seesha 3) Waxaa kordhaya waxsoosaarka guud iyo midka gaar ahaaneed 4) Waxay farsamo casri ah ku saaran karayaan nafaqeynta carrada ee dabiiciga 2.8 Dadka ka faa’iidaysteyaasha ah ee mashruuca maxay yihiin?
Tiradooda
? Waxaa ka faa’iideysan doona xoolo-dhaqato beeraley gaadhaya
85,000
qoys, isla markaana waxsoosaarka kasoo go’aya ay quudan doonaan
3,400,000
qoys
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
wuxuu ku guuldaraystay sharaxaada kutalagalka cidda ka faa’iidaystaha ah ee mashruuca.
Macadda =
kutalagalka cidda ka faa’iidaystaha ah ee mashruuca si cad looma soo dhigin (tiradu ma cadda)
Gudbay =
ka faa’iidaysteyaasha mashruuca iyo tiradoodaba si waafi ah loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.9 Sharaxaad ka bixi siyaabaha mashruucu doorkiisa kaga qaadan karo ka midho dhalinta ujeedooyinka qorshaha horumarinta Qaranka, Qorshaha Istitateji ee deegaanka, qorshaha sekterka ama siyaasadaha kala ee dawlada? Wuxuu mashruucani kor u qaadayaa yoolka __ (SDG _,__). Sidoo kale, wuxuu ku sidkan yahay yoolasha __ iyo _ ee heer wadan iyo heer deegaan ee qorshaha 10 ka sano
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
ma jirto wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya qmashruuca & Qorsheyaasha kala duwan ee dalka iyo deegaanka sida qorshaha koboca & isbedelka (GTP), qorshaha horumarinta qaranka (NDP) ama barnaamijyada sekterka intaba. Nrams
M
acadda
=
waxaa tixraac laga dhigtay barnaaminyada qaranka, deegaanka ama sekterka balse xidhiidhka ka dhexeeya mashruuca iyo barnaamijyadani macadda.
G
udbay
=
waxaa si cad loo soo dhigay tixraaca iyo xidhiidhka ka dhexeeya mashruuca iyo qorshaha ama istiratejiyada ay khusayso. .
TALABIXIN 2.10 Tax fursadaha (khiyaarada) la tixgaliyay ee suurtagalinaya hanashada ujeedooyinka mashruuca. Fadlan sharaxaad ka bixi sababta lagu doortay xulashada fursadan. Waxay doorweyn ka qaadanayaan in 6 gobol oo xoolo-dhaqato beeraley ahi ay ka faa’iideysan doonaan iyagoo dhul kooban waxsoosaar tiro iyo tayo badan oo ay carada nafaqadeedu sareyso kaga soo saari doona waxsoosaar isla markaana isticmaalaya bacrimayaasha dabiiciga iyo kuwa dad sameega ahba, sidoo kale kaga maarmi doona bacrimiyihii ay iibsan jireen.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraysta=
majirto wax fursad ah oo la taxay ama la tixgaliyay.
Macadda =
fursaduha waa lasoo taxay balse sharaxad lagama bixin sababata hanaankan loo soo qaatay ama kuwa kale loo buriyay
.
Gudbay =
waxaa si waafi ah loo soo taxay fursadaha (wadeeqooyinka) islamarkana la bayaamiyay sababta lagu xushay.
TALABIXIN 2.11 Tax dhamaan saamaynta togan iyo taban ee mashruuca, sido kale sharaxaad ka bixi habka mashruucu saamaynta xun ugu yeelan karo qaybaha kala duwan ee bulshada sida (sinjiga, Isirka, diinta, dadka laxaadka la iwm) iyo hanaanka kahortaga saamayntan. Wax saameyn toos ah oo togan ma keenayo mashruucani balse wuxuu mid dadban kuu yeelanayaa xoolo-dhaqato beeraleyda oo ah iney ku tiirsanadaan gashiga bilaashka ah, waxaana lagu xalin karaa in laga qaado 25% qiimaha lagu soo iibiyey ama lagu soo saarey iyadoo loo sii qeybinayo 4 meelood 1 ka mid ahna laga qaadayo bilowga, 3 da soo hadheyna laga qaado xiliga uu dalaggu soo go’o si dakhli looga soo xareeyo.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay
=
wuxuu ku guuldaraystay soo bandhigida saamaynta mashruuca ama saamaynta xun laguma qanci karo.
Macadda =
saamaynta togan iyo tan taban ee mashruuca way taxan yihiin balse sicad looma tibaaxin.
Gudbay =
saamaynta togan iyo taban ee mashruuca si cad ayaa loo soo bandhigay laguna qanci karo.
TALABIXIN Qaybta 3: Macluumaadka Maaliyada HEERKA TAYADA QIIMAYNTA (Dhamaan maaliyada waxaa lagu soo dhigaya Birr ETB) TALABIXIN 3.1 Qiyaasta wadarta kharashka lagu dhamaystirayo mashruuca: 30,575,250 3.2 Baahida miisaaniyada ee mashruuca 55,000,000 ETB (wadarta miisaaniyada dhamaan sanadada waa in ay la egtahay cadadka ku dhigan qodobka 3.1 f) Sanad misaaniyadeedka Cadadka lacagta loo baahan yahay 2015 30,575,250 3.3 Ilaha maalgalinta mashruuca Nooca Maaliyada Cadadka(ETB) Cadadka (%) Lacagta Qalaad Khasnada dawlada 30,575,250 100 Daynta dibada Deeqda dibada Daynta dalka gudihiisa Dakhliga Iibka Lacagaha kasoo xerooda adeegyada Kaalmada bulshada WADARTA
(Qiimaha la xisaabiyay)
30,575,250 100 0 3.4 Kharashka hawl-fulinta sanadka(ETB): Natiijada qiimaynta tayada
(iskudarka qodobka 3.4 iyo 3.5)
Guuldaraystay =macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn. Macadda = macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin. Gudbay = Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN wadarta guud ee qiiyaasta hawl-fulinta sanadka ee mashruuca kharash intee dhan ayaa laga dabooli karaa miisaaniyada hatan jirta? kharashka hawl-fulinta ee cusub (cadadka laxisaabiyay) 3.5 Ilaha miisaaniyada kharashka dheeriga ah ee hawl-fulinta: ( 30,575,250
) khasnada dawlada
( ) Daynta Dibada ( ) Deeqda Dibada ( ) Daynta Dalka gudihiisa ( ) Dakhliga Iibka ( ) lacagaha kasoo xerooda adeegyada kala duwan ( ) kaalmada bulshada 3.6
Dib u habaynta (maalgalinta) dhulka ma loo baahan yahay? (Haa/Maya)
Haddii jawaabtu tahay ‘Haa’ sheeg wadarta cadadka kharashka ku baxaya helista dhulkan (kharashka Magdhawga/ dib u dajinta iwm)
Maya
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn.
Macadda =
macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin.
Gudbay
= Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Qiyaasta wadarta kharashka dhulka: ETB 3.7 Mashruucu dakhli ma abuuraya? (Haa/Maya): Haddii jawaabtu tahay haa fadlan soo bandhig qiyaasta dakhliga, illaha dakhliga iyo odoroska/sadaasha cadadka faa’iidada kasoo baxaysa mashruuca (IRR). Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay
= macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn.
Macadda
= macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin.
Gudbay
= Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Sanadka 1aad ee hawlgalka Sanadka 2 Sanadka 3 Sanadka 4 Ilaha dakhliga: iibka iyo qeybinta Faa’iidada mashruuca (IRR): 4. Qorshaha Hirgalinta Heerka Tayada Qiimaynta Dhibcaha 4.1 Soo dhig qorshaha jadwalka mashruuca: Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Jadwalka laguma qanci karo.
Macadda=
qorshaha jadwalka waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin. Gudbay = qorshaha jadwalka waa cad yahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Marxaladda wakhtiga Diyaarinta /dhamaadka qiimaynta (dib-u-eegista) Hamble Dhajinta qandaraaska Nahase Bixinta qandaraaska Maskaram Shaqo bilaabida Diqimti Dhamaystirka shaqada Megabit Adeeg bixinta mashruuca (hawlgalka mashruuca) Miyasia 4.2 Tax gashiyada cududa shaqaalaha, agabka hawlgalada iyo adeegyada muhiimka u ah hirgalinta iyo hawlgalka mashruuca. Sidee wakhtiga ku haboon lagu helaya? Agaasin, Madax-kooxeed. khabiiro, cilmi-baadhe, xirfadlayaal iyo xamaal
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Arrimaha ku xusan su’aasha lagama jawaabin.
Macadda =
Gashiyada mashruuca waa la sheegay balse siyaabaha lagu helayo macadda.
Gudbay =
Gashiyada mashruuca iyo qorshaha helida gashiyada si hufan ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 4.3 Maxay tahay khibrada xafiiska mulkiilaha ah ee hirgalinta mashaariicda lamidka ah mashruucan? Haddii khibradu kooban tahay ama aysan jirinba sharaxaad ka bixi habka loo xalinayo xaaladan (khibrad la’aanta). Wuxuu fuliyay mashaariicdan noocan oo kale ah laga bilaabo markii la aasaasey isagoo kaashanaya wakaalada dalabka gashiyada ee dalka oo fulisa iibka bacrimiyaha iyo gashiyada kale iyadoo soo marineysa wasaarada beeraha dalka isla markaana qiime jaban ay kusoo gaadheyso madaama ay dawladu kabis u sameysey. Khibrada isticmaalka ee marka uu bacrimiyuhu gaadho xoolo-dhaqato beeraleyda waxa jirta khirad la’aan ka jirta qaabka loogu daro Urea da oo ahayd in isla markiiba la waraabiyo si aysan hawada u galin, waxaana lagu sixi karaa in wacyigalin dheeri ah laga siiyo xoolo-dhaqato beeraleyda ka faa’iideysaneysa mashruuca
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
khibrad la’aan & xalka suurta galka ah lama soo dhigin.
Macadda =
khibrad la’aan hase yeeshe, xalka kahortaga waxaa suurtagal ah in arrintan waxkataro iyadoo balse u baahan faahfaahin dheeraad ah.
Gudbay =
Waxaa dhigan khibradii hore oo xaqiijin u baahan
AMA
Khibrad la’aan balse xalka lasoo dhigay oo ah mid lagu qanci karo.
TALABIXIN 4.4 Tax wakaaladaha ama hay’adaha dabagalka ee loo baahan yahay ka qaybgalka hirgalinta mashruuca iyo arrimaha sharci ee furdaaminta u baahan? Xafiiska maaliyada iyo Xafiiska qorshaynta DDS
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
lagama jawaabin.
Macadda =
Hay’aduhu ay xusan yihiin balse waxaa jira farqi dhinaca sharciga
ah (
Farqi arrimaha Hay’adeed)
Guulaystay=
Waxaa si waafi ah loo taxay dhamaan hay’adaha ay khusayso iyo macluumaadka sharciyeed ee ku xeerran.
TALABIXIN 4.5 Tax bah-wadaagta mashruuca iyo xaalada/heerka latashi ee lala yeeshay. Wakaalada dalabka gashiyada ee dalka iyo Wasaarada Beeraha ee Dalka
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Bahwadaagta lama soo dhigin.
Macadda =
Bahwadaagta waa la taxay balse lalama tashan
ama
shaxda bahwadaagta ma dhamaystirna.
Gudbay =
Bahwadaagta si dhamaystiran ayaa loo dhigay, waxaan bilawday latashigii bahwadaagta.
TALABIXIN 4.6 Tax khataraha habsami u hirgalinta mashruuca soo wajihi kara (maxay yihiin caqabadaha soo bixi kara?) iyo habka maareeynta khatar kasta oo mashruuca soo wajahda. (haddii loo baahdo fadlan ku darso faahfaahin dheeri ah) i TALABIXIN Qeexida khataraha Habka maareeynta khataraha? Kutiirsanaanta bacrimiyaha dad sameega ah isla markaana bilaashka ah Iney bixiyaan 25% bilowga, waxsoosaarku soo go’o 75% laga qaado oo dhakhli loo xareeyo Habka loo isticmaalo Urea da oo aysan fahan fiican ka haysanin ka faa’iideystayaashu In wacyigalin la siiyo iyo tababaro 4.7 Mashruuca shaandheeynta hore ku guulaystay ee u baahan daraasaad kale A. Maxay dhantahay Miisaaniyada daraasadka ee loo baahan yahay? ETB B. Miisaaniyada daraasaadka xagee laga helaya? C. Sharaxaad ka bixi qaabka diyaarinta iyo dhamaystirka daraasaadka. D. sheeg muddada dhamaystirka daraasaadka iyo wakhtiga qiimaynta? (Bisha/Sanadka)
Qaybta 5: Ciiwaanka Xafiiska Mulkiilaha ah & Xaqiijinta Mashruuca Waxqabaka xafiiska
You need to add a widget, row, or prebuilt layout before you’ll see anything here. 🙂
