Waxaa Degmada Babili ee Gobalka Fafan kasocda diyaar garowga iyo Wacyigalinta beeralayda ee Aag-Bereedka Hadhuudhka/ Masago( Sorghum Cluster) oo lagu beerayo dhul dhan 3,000 hector.
Isku Xidhka Aag-Bereedyada ayaa wax wayn ka baddalaya kor u qaadida waxsoosaarka Dallaga beeraha iyadoo goobo kala duwana loo Asteeyay, islamarkaana laga samaynayo Aag-Bereedka Gallayda, Khudaarta iyo Geed midhoodka.






