Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), gaar ahaan Mashruuca CREW (Climate Resilience Wheat Value Chain Development), ayaa si rasmi ah u bilaabay wajiga labaad ee jarista qamadiga oo dhan 100 hektar oo ku yaalla dhulka waraabka ee Galbeedka degmada Beercaano, gaar ahaan qabalaha Herabariis.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda wax-soo-saarka qamadiga, xoojinta suqgaynta qamadiga, iyo horumarinta silsiladda qiimaha dalagga qamadiga si ay bulshada uga difaacdo saameynta isbeddelka cimilada.
Maareeyaha Mashruuca CREW, Mudane Deeq Xuseen, ayaa ka warbixiyey muhiimadda mashruuca, isagoo sheegay in jarista qamadigan ay muujinayso guul wax ku ool ah oo laga gaaray hirgelinta farsamooyinka casriga ah ee beerashada iyo waraabka. Wuxuu sidoo kale xusay in mashruucu uu door weyn ka qaadanayo kobcinta dhaqaalaha beeraleyda iyo yaraynta ku-tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.
Mudane Deeq Xuseen ayaa intaa ku daray in Mashruuca CREW uu sii wadi doono taageerada beeraleyda, ballaarinta dhulka la beero, iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka si loo gaaro isku-filnaansho dhanka cuntada ah.
- Home
- 2026
- February
- 26
- BoA
- BoA r
- Our News
- Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), gaar ahaan Mashruuca CREW (Climate Resilience Wheat Value Chain Development), ayaa si rasmi ah u bilaabay wajiga labaad ee jarista qamadiga oo dhan 100 hektar oo ku yaalla dhulka waraabka ee Galbeedka degmada Beercaano, gaar ahaan qabalaha Herabariis.









