Waxaa xafiiska Beeraha uu u qabtay Tababar Shaqaalaha Barnaamijka Shabakada Badbaadada Waxsoosaarka (PSNP) oo ka kala socday 35 dagmo, oo dagmadiiba laba xubnood looga yeedhay oo kala ah Khabiirka Iskudubaridka Shaqooyinka Xooga Shacabka iyo Khabiirka Dabagalka iyo Qiimaynta Shaqooyinka Barnaamijka Tababarkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsanaa habka Xog uruurinta Shaqooyinka Xooga shacabka lagu fuliyo ee ilaalinta iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga iyo Mashaariicda uu fuliyo Barnaamijka PSNP.






