Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Cabdilaahi Maxamed Muuse, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay tuulada Hanjabi ee degmada Shabeelley, halkaas oo xafiisku ka bilaabay mashruuc baaxad leh oo lagula tacaalayo laag weyn oo dhibaato ba’an ku haysay bulshada iyo maalgashadayaasha agagaarkaas. Mashruucan oo adeegsanaya farsamada casriga ah ee xidhxidhka dhulka (soil conservation), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xakameeyo nabaad-guurka carrada iyo qulqulka biyaha xilli-roobaadka, si loo badbaadiyo bedka beeraha ee jeexjeexyadu saameeyeen. Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray bogaadiyay dedaallada wax-soo-saar ee ka socda aaggaas, isagoo xaqiijiyay in xafiisku ay ka go’an tahay ka saarista caqabadaha hortaagan beeralayda si loo xoojiyo sugnaanta cuntada.
