Wasiirka xafiiska beeraha ayaa booqday iskaashatada beeraha iyo xoolaha ee Tayosoor oo kahowlgasha degmada shabeeley. Iskaashatadan oo kamid ah iskaashatooyiinka hormuudka ah ee kajira degmada shabelley ayaa soo saarta qudaar kala duwan, geed midhood, Galey, calafka xoolaha, islamarkaana leh qeyb lagu naaxiyo xoolaha nool.
Wasiirka xafiiska beeraha Mudane Cabdullaahi Maxamed ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan iskaashatadu. Isagoo ku booriyay in iskaashatadu howsho fiican ee ay hayaan kor usii qaadaan.
Xafiiska beeraha ayaa wada barnaamijo lagu dhiirigalinayo beeraleyda, iskaashatooyiinka iyo shirkada gaarka loo lee yahay ee kashaqeeya beeraha sidii dallag kufilan deegaanka looga soo saari lahaa si looga baxo kutirsanaanta cuntooyiin meelo kale laga soo dhoofiyo.
