Waxaa saaka madasha kulamada ee Macadka Maaraynta Deegaanka ka qabsoomay, shir ay kasooqayb-galeen Maal-gashayadaasha iyo iskaashatooyinka ku hawlan waxsoosaarka Dallaga beeraha ee kala duwan.iyadoo ujeedada shirkani ahaa sidii layskula falanqaynlahaa Fursadaha Maal-gaashi ee kajira Deegaanka iyo Caqabadaha ku ga’daaman. Shirkan ayaa waxaa aad loogu lafa guray, fursadaha iyo caqabadaha. Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Cabdillahi Maxamed Muuse oo shirka soo afmeeray ayaa ku booriyay kasoo qayb galayaasha
1. In maddal tan ka balaadhan islamarkaana hogaaminta ugu saraysa Xukumada lagu mari qaadi doono dhawaan xafiisku qaban doono
2. In hadda wixii ka dambeeya la joogtayn doono kulamada noocan oo kala ah
3. In Xafiiska Beeruhu u Diyaar u yahay Cidwalba oo danaynaysa Maal gashiga waxsoosaarka Beeraha.