Xafiiska Beeraha DDS ayaa madax-xafiiseedyada beeraha degmooyinka Awbarre, Tulliguuleed iyo Harooreys ee gobolka Faafan ku wareejiyay sunta lagu daaweeyo cudurka fangaska daxalawga qamadiga iyo qalabka lagu buufiyo beeraha
Jigjiga – Dirir 02 / 2017 T.I – Xafiiska Beeraha ee DDS / SRTV Somali
Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa bulshada waxsoosaarata la garabtaagan taageerooyin lagu xoojinayo horumarka waxsoosarka, si looga maarmo ku tiirsanaanta deeqaha shisheeye. Haddaba, bulshada degmooyinka Awbarre, Tulliguuleed iyo Harooreys oo caan ku ah waxsoosaarka qamadiga ayaa loo qaybiyay sunta lagu daaweeyo cudurka fangaska oo ka dhasha roobasha badan ee ka da’aya gobolka Faafan oo saameeyay beeraha qaarkood.
Ku siisimaha Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Axmed Maxamed Kayd ahna agaasinka waaxda fidinta beeraha ayaa warbaahinta u sheegay in ay si degdeg ah ku soo iibiyeen suntani, barrina buufinta beeraha saddexdaasi degmo laga bilaabi doono si loo xakameeyo cudurkaasi.
You need to add a widget, row, or prebuilt layout before you’ll see anything here. 🙂