Waxaa saaka Kolliyada Maaraynta DDS, ka qabsoomay Shirwaynaha Aas- aasida Ururka Maal-gaashadayaasha Waxsoosaarka Dallaga Beeraha Heer Deegaan. Ururkan ayaa waxaa Ahmiyadiisu tahay sidii maalgashadayaasha dhanka waxsoosaarka Beeruhu uga faa,iidaysanlahayeen fursadaha dhoofinta iyo soo dajinta waxsoosaarka beeraha.
Ururkan ayaa waxaa Xubno ka ah Maalgashadayaasha waxsoosaarka Beeraha Deegaanka. Waxaana halkaas lagu doortay. Guddiga qaban qaabada shirwaynaha halkaas oo lagu soo dooran doono Xubnaha Hogaaminta Ururka.
Shirkan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS mudane Cabdillahi Maxamed Muse










