Xarumaha Tababarka Beeralayadu ( FTC) waa Goobaha lagu gaadhsiiyo beeralayda farsamooyinka Casriga ah ee beerashada dallagyada kala duwan. Haddaba Xafiiska Beeraha DDS oo Sanadkan Qorshe u Qaatay in la casriyeeyo. Islamarkaana kor looga qaado darajada Primary Lana gaadhsiiyo darajada intermediate.( primary to intermediate) ayaa waxaa uu qorshuhu yahay in loo dhamaystiro dhamaan waxyaabaha ay u baahanyihiin Xarumaha Tababarka Beeralayda Ee degmooyinka Tuli. Harawa. Mustaxiil iyo Qalafo. Sida
- Dayactirka Dhismayaasha Xarumaha
- Diyaarinta Goobaha Faltusmeedka Xarumaha.
- Diyaarinta Xidhmooyinka fidinta beeraha ee lagu tababarayo beeralayda
Haddaba hawshan ayaa hadda waxay ka socotaa degmada Tuli iyadoo degmooyinka kalana dhawaan laga fulin doon








