Beercaano: Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane C/laahi Maxamed Muuse oo ay waheliyaan maamulka gobolka shabeele, kuwa degmada Beercaano iyo xubno agaasino ah ayaa kormeeray shirkadaha waxsoosaarka beeraha ee shaqada barnaamijka ka bixida ku tiirsanaanta deeqaha shisheeye ka wada Mashruuca Waraabka ee Galbeedka Godey.
Ujeedka kormeerka masuuliyiintan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo tabaca iyo waxsoosaarka shirkadaha beeraha iyo halkuu marayo si loo gaadho yoolka ay xisbiga iyo xukuumadu ka leeyihiin in la sameeyo raashin kayd ah oo xaaladaha degdega ah lagaga jawaabo, waxaana shirkadahaasi ka mid ah shirkada Il-jano oo beertay islamar ahaantaana lagu bilaabay goynta dalaga gallayda oo gaadhaya 500 oo hiktar taas oo la filayo inay kasoo baxdo raashin gaadhaya 20 kun oo kiintaal oo masago ah sida ay masuuliyiintu sheegeen.
SRTV










