Jigjig, Megabit 29/2018; Mashruuca PACT ee Xafiiska Beeraha Deegaanka Soomaalida ayaa tababar u qabtay Isuduwayaasha Gobolada, Madax-xafiisedada Degmooyinka, Khabiirada iyo Wakiilada Hormaka (DAs) ee 9 degmo oo ka mid ah degmoyinka uu mashruucu ka hawlgalo. Tababarkan oo diiradda lagu saarayay maareynta waxsoosaarka ka dib goosashada dalaga (Postharvest Management) iyo maaraynta bedqabka iyo tayada cuntada (Food Safety and Quality Management), ayaa ujeeddadiisu ahayd in ka qayb-galayaasha la siiyo faham buuxa iyo xirfado casri ah oo kor u qaadaya tayada dalagyada ka soo baxa beeraha deegaanka.
Muddadii uu tababarku socday oo 6 maalmood ahayd; islamarkaana xubnaha ka qayb-galay oo tiradoodu ay ahayeen 135 ayaa waxay baranayeen hannaanka ugu habboon ee loo yareyn karo khasaaraha ku yimaada dalagga xilliga goosashada ka dib, iyo sidii loo xaqiinjin lahaa bedqabka iyo tayada cuntada iyadoo xoogga la saarayay sidii loo ilaalin lahaa nafaqada iyo caafimaadka cuntada ilaa ay ka gaarto macaamiisha. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Xafiiska Beeraha ugu jiro xaqiijinta damanada cuntada.
Gabagabadii waxaa tababarka soo xiray Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Axmednuur Cabdi Maxamed, isagoo si qoto dheer uga hadlay ahmiyadda “maareynta waxsoosaarka Ka dib goosashada dalaga (Postharvest Management) iyo maaraynta bedqabka iyo tayada cuntada (Food Safety and Quality Management)” u leedahay horumarka beeraha ee deegaanka. Wasiirka Ku-xigeenka ayaa faray xubnihii tababarka qaatay inay mas’uuliyad weyn iska saaraan sidii ay aqoontii ay kororsadeen u gaarsiin lahaayeen beeralayda.








