Wasaarada Beeraha Dalka ayaa soo Agaasintay booqosha beeralay ay kasoo qayb-galeen dhamaan Hogaaminta bahda beeraha Dalka iyo Deegaanada. Taaso oo lagu qabtay Degmooyinka Maagaalada Bishoft ee Deegaanka Oromia. Booqashadan ayaan waxaa la booqday Beeraha Qamadinka Guga, Abaqaalka Geed midhoodka Afagaadhaha, Tufaaxa, maangada iyo Beeraha Waawayn ee laga dhoofiyo Khudaarta Tamaadka iyo kaabashka. Ee ku yaala duleedka Magaalada. Waxaa sidoo kale la booqday goobta lagu sameeyo Bacriminta Dabiiciga( Organic ferti Compost)








