Munaasabadda lagu kala saxiixanayey heshiiska waxaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Ganacsiga Itoobiya ee qaybta Bariga dalka Mudane Maxamed Khadiiro, masuuliyiin ka socday xafiisyada bahwadaagta, iyo marti sharaf kala duwan.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid ahmiyad weyn u leh bulshada xoolo-dhaqatada beeralayda, kuwaas oo muddo dheer sugayey inay helaan fursad noocan oo kale ah. sidoo kalena loo bahanyahay in heshiiskan looga faa’iidaysto sidii loogu talo-galay, isla markaana shuruudihiisu yihiin kuwo aad loo fududeeyey.
Xigasho
SRTV Somali







