Mashruuca Waraabka ee Galbeedka Goday











Wafti ay hoggaaminayaan Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Wasaarada Waraabka iyo Dhulka Jooggiisu Hooseeyo Dr Abraham Belay, Wasiirka Wasaarada Macdanta JDFI, inj Habtamu,
Iyo wasiirka beeraha DDS mudane
CABDULAHI MAHAMED MUSE
iyo Masuuliyiin sare oo heer federaal iyo heer deegaan ah ayaa booqday Mashruuca Waraabka Galbeedka Goday.
Mashruuca Waraabka ee Galbeedka Goday ayaa waxaa si weyn uga socda wax soo saarka beeraha oo uu ka mid yahay bariis, Qamadi, sisin, calafka xoolaha iyo qaybaha kala-duwan ee wax soo saarka beeraha.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaana sheegay inkasta oo qaybo kamid ah Goballada DDS ay ka jiraan kulayl xoogan hadana lawado dadaal balaadhan oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka si looga maarmo ku tiirsanaanta gacan shisheeye, deegaankena uu hodan ku yahay dhul loogu talo’galay wax soo saarka.
