Waaxda fidinta beeraha Xafiiska beeraha dowlad deegaanka soomalida ayaa tababar laxidhiidha gudbinta farsamooyinka castiga ah uqabtay xubno ka socday 7 degmo oo ka tirsan gobolka shabeele iyo faafaan kuwaas oo labarayo habka gud binta farsamooyinka casriga si loo xaqiijiyo wax soosaar tayo leh , shirkan oo lagu qabtay aqalka shirarka ee xarunta machadka cilmi badhista DDS ayaa waxaa furay kuxigeenka madaxa xafiiska mudane Craxmaan nuur halkaas oo kasoo qaygalayaasha u sheegay bahida loo qabo in kor looqaado wax soo saarka deeganka si looga yareryo ku tirsananta deeqaha dibada islamarkana mustaqbalka loo xaqiijiyo isku filaanta cuntada.
