Waxaa Shaley wasiirka xafiiska beerahu uu ufurey tababar ku saabsan habka beerashada dallaga (Crop production training) khabiirada dagmooyinka oo ka kala socdey gobolada (Fafan, Sitii, Erer, Jarar iyo Nogob) kaas oo ka qabsoomey hoolka cilmibaadhisa ee Jigjiga, sidokale tababarkan oo kala ayaa Godey isna uga bilaabmey gobolada Shabele, Qoraxey, Afdher, Nogob iyo Liban.
Tababarka ayaa looga hadley in garaadka aqooneed laga dhiso khabiirada islamarkaana cilmiga u dhaadhiciyaan xirfadlayaasha beeraha iyo Beeraleyda. Wasiirka ayaa khabiirada kula dardaarmey in tababarkan oo kale lagu qabto (FTC) maadama uu xiliigii beerashada Guga la taaganyahey.





All reactions:
7Xafiiska Beeraha ee DDS and 6 others