Waxaa maanta oo Isniin ah kadhacday Xafiiska Beeraha ee DDS munaasabad heerkeedu aad usareeyo isla markaana ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiinta uu ugu horeeyo Wasiirka jagada bananaynaya Mudane C/qaadir Iimaan (PhD) iyo labada Wasiir kuxigeen iyo Sidoo kale Wasiirka cusub ee Xafiiska loo soo magacaabay Mudane Cabdulaahi iyo inta badan shaqaalaha xafiiska taasoo ujeedadeedu ahay Xilwareejinta wasiirkii hore , Sagootin iyo Soo dhawaynta
wasiirka Cusub.
Munaasabadan oo ahayd runtii mid meeqaam sare loosoo agaasimay ayaa waxaa sigaar ah kaalin laxaadleh uga qaatay Shaaqalaha Xafiiska gaar ahaan Dumarka (Gabdhaha) kuwaasoo si waddaniyad iyo hagar la’aani kujirto ugasoo dhalaalay howshaas .
Gunaanad:Waxaa xusid mudan dhamaan Wasiirka banaynaya jagadan iyo Shaqaaluhuba inay sifiican oo Kal iyo laab ah isu macsalaameeyeen iyagoo Wasiirka horena kheyr & guul urajeeyay maaddama Xafiis cusub loo igmaday hadda & wixii kaddanbeeya.

