Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17/06/2017T.I kuna beeggan Fabraayo 24, 2025 si rasmi loo bilaabay mashruuca waraabka tuulada Bardaaley ee Degmada Dollow Addo ee Gobolka Liibaan.
Mashruucan oo waraabin doona dhul baaxaddisu dhantahay 315 Hiktar, waxaa toos uga faa’iidaysan kara 1400 oo qoys. Mashruucan oo ay ku baxayso miisaaniyad dhan 530 Milyan oo birr waxaa kharashkiisa bixinaya barnaamijka DR. DIP ee Wasaaradda Beeraha Dawladda Federaalka.
Waxaan Allaah SWT ka baryeynaa in uu nagu guuleeyo dhammaystirka Mashruucan.
Mashruucan baaxadda weyn leh wuxuu kamid yahay barnaamijyada kala duwan ee lagu xaqiijinayo isku filaanshaha cunnada ee ka socda goobo badan oo kamid ah dalkeenna.
“”Han sare iyo Horumar Waara.””
