Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in ku tiirsanaanta deeqaha lagaga bixi karo horumarinta waxsoosaarka beeraha Deegaanka.
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS oo ay wehelinayaan Wasiir kuxigeenka xafiiska, Guddoomiyaha gobolka Faafan iyo maamulka degmada Tulliguuleed ayaa kormeer ku sameeyay waxsoosaarka beeraha ee degmadaasi oo sanadkan laga beeray dhul dhan 110 kun oo hektar oo laga beeray dalagyada kala duwan, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo isku filnaanshaha dammaanada cunada ee bulshada.
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Cabdiqaadir Iimaan (Ph.D) ayaa sheegay in sanadkan Deegaanka la qorsheeyay in laga beero dhul dhan illaa hal milyan oo hektar oo looga faa’iideysanayo dalagyada kala duwan si looga maarmo deeqaha dibada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Faafan, Khadar Axmednuur ayaa tilmaamay in hogaaminta gobolka, kuwa degmooyinka iyo bulshada oo iskaashanaya ay qaateen fahan midaysan oo lagu xaqiijinayo waxsoosaarka beeraha gobolka.H
You need to add a widget, row, or prebuilt layout before you’ll see anything here. 🙂










