Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D), iyo Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Cabdillaahi Maxamed ayaa dhagax-dhigay mashruuc ballaadhan oo ah wax-soo-saarka beeraha oo laga hirgelinayo tuulooyinka Bulxan iyo Bulaale, kuwaas oo ka kala tirsan degmooyinka Dhagaxbuur iyo Guna-Gado ee Gobalka Jarar.
Mashruucan ayaa loogu talo-galay in ay ka faa’iidaystaan in ka badan 1,500 oo qoys, waxaana ku baxaysa 300 milyan oo birr. mashruuca ayaa waxaa fulinaya barnaamijka PACT, iyadoo la kaashanayo Xafiiska Beeraha.
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) ayaa sheegay in mashruucani uu si weyn u kordhin doono wax-soo-saarka beeraha, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono yaraynta ku-tiirsanaanta gargaarka shisheeye, sidookalena uu xoojin doono isku-filnaanshaha bulshada.












