Kulan wada-tashi ah oo masuuliyiinta gobollada DDS iyo Xafiiska Beeraha ay ku kala saxiixanayeen qorshaha xoojinta wax-soo-saarka, ka bixidda ku tiirsanaanta, iyo qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS ayaa ka qayb-galay shirweynahan oo loogu diyaar garoobayey xilli roobaadkan, si looga faa’iidaysto wax-soo-saarka beeraha..
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in maadaama la galay xilli roobaad, deegaankuna uu leeyahay dhul ku habboon wax-soo-saarka beeraha ee roobka ku baxa, loo baahnaa in lagu baraarugo dhulkeenna dihin.
Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Inj. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa sheegay in ku tiirsanaanta gacan shisheeye looga bixi karo wax-soo-saarka beeraha.
Ugu dambayntiina, waxaa abaalmarinno la guddoonsiiyey shakhsiyaadkii iyo maamuladii ku wanaagsanaa wax-soo-saarka beeraha.








