Waxaa maanta hoolka kuliyadda Maareynta iyo Maamulka ee magaalada Jigjiga si rasmi ah uga furmay shir-weyne ballaaran oo looga tashanayay qorshaha diyaar-garowga wax-soosaarka beeraha ee xilli-roobaadka Guga ee sannad-duubka 2018–2019 (T.E), kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen hoggaanka gobollada, degmooyinka, iyo khubarada bahda beeraha ee Deegaanka Soomaalida. Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta DDS, Eng. Maxamed Shaale, ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta qorshayaasha lagu xoojinayo sugnaanta cuntada iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyadoo uu dhankooda wasiirka xafiiska beeraha ee DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse, uu si qotodheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duubnida maamulka iyo beeralayda si looga dhabeeyo hiigsiga wax-soosaar ee xilligan la filayo.












