Waxaa muddo laba maalmood ah ka socday casimada deegaanka ee jijiga tababar ku saabsan Nidaamka Maareynta Macluumaadka (MIS) oo loo qabtay hawl-wadeenada barnaamijka PSNP, gaar ahaan xisaabiyeyaasha PSNP iyo caawiyeyaasha farsamada (TAs) ee ka kala socday gobollada afdher, libaan iyo Dawa.
Tababarka intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray afar qaybood oo muhiim ah oo ka mid ah nidaamka MIS, kuwaas oo kala ah
- Livelihood Module
- Temporary Direct Support Module
- Shock Module
- GRM Module
kuwaas oo muhiim u ah maaraynta xogta iyo hirgelinta howlaha barnaamijka PSNP.
Tababarkan ayaa si guul leh u soo gabagaboobay maanta, waxaana si rasmi ah u soo xiray Wasir ku/xigeenka xafiska beeraha mude Abdirahman Nur Mahamed oo ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoonta ay ka kororsadeen tababarka ku dabaqaan shaqadooda si loo xaqiijiyo yoolka iyo himilada barnaamijka PSNP.







